Muqdisho, 4 June, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjire Tina Kaidanow oo ah Xiriiriyaha Hawlgallada la Dagaallanka Argagixisada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka. Madaxweynaha oo kulankaasi ay ku wehliyeen Raรขโฌโขiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaรขโฌโขarke, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye, iyo masรขโฌโขuuliyiin kale ayaa Danjire Kaidanow uga waramey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya. รขโฌหรขโฌโขAad baan ugu faraxsanahay taageerada uu Mareykanka u fidinayo Soomaaliya, waxaana dhiirigelinayaa in halkaa laga sii wado si mar kale uu waddankeena dib cagahiisa uu isu taago. Horumar badan ayaan ka sameyney dhinacyada siyaasadda iyo nabadgelyada, waxaana dooneynaa in Mareykanka iyo waddamada kale ee Soomaaliya taageera ay yeeshaan iskaashi dhow oo fududeyn kara taageerada ay siiyaan Soomaaliyaรขโฌโขรขโฌโข, ayuu yiri Madaxweynaha.
----Advert----
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay si weyn baahi ugu qabto in laga taageero dhinaca dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta xarrumo lagu barto mihnadaha kala duwan, si taasi ay gacan uga geysato dib u soo kabashada dhaqaalaha, shaqo abuurista iyo sugidda amniga. Raรขโฌโขiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudana Cumar Cabdirashiid oo isna kulankaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhismaha maamullada iyo barnaamijka isku dhafka ciidammada, oo uu sheegay in horumar badan laga sameynayo. Danjire Tina Kaidanow , ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Mareykanka ay si weyn ugu qanacsan tahay horumarka dowladda Soomaaliya sameyneyso, iyadoo dhanke kalena sheegtay inay sii wadi doonaan taageerada lagu xaqiijinayo in horumarkaasi la sii adkeeyo.
----Advert----
Labada dhinaca ayaa sidoo kale ka hadley baahida loo qabo iskaashi dhow oo ku aaddan la dagaalanaka argagixisada oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyagoo sidoo kalena walaac ka muujiyey xasaradda ka aloosan Yemen oo keeni karta in nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka khalkhal uu ku yimaado. DHAMMAAD Daud Aweis |
|
|
|
|