Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Xaflad Casho ah oo uu xubno Suxufiyiin ah xalay ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee magaalladdan Muqdisho.
Madaxweynaha waxa uu mar kale Suxufiyiinta u ballan qaaday inay Dowladda Federalka qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu dhamaynayo Dembiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta, Iiyadoo maanta loo dabaal degayo  Maalinta Caalamiga ee Ka-hortagga Dembiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta Caalamka.
Madaxweynuhu waxa uu Suxufiyiinta Soomaalida ku bogaadiyey Hawsha ay u hayaan Ummadda, wuxuuna xusay inay yihiin Geesiyayaal Qaran.
“Waxaan sii wadi doona sidii loo xaqiijin lahaa Xiriirka iyo wada-shaqynta u dhexeeya Hay’adaha Ammaanka iyo Xarumaha Warbaahinta†ayuu yiri Madaxweynaha oo garowshiyo ka muujiyey Cabashadda Taagan ee Bahda Warbaahinta.
Waxa uu intaasi ku daray inay Wasaaradda Warfaafinta diyaarisay Tababaro lau dhisayo Awoodaha Suxufiyiinta Soomaalida iyo Ciiddanka Ammaanka.
Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale uu sheegay inuu saxiixay Dekereetadda Sharciga Warbaahinta, isla markaana uu rajeynayo in la helo Gole Warbaahineed oo Madax-bannaan oo Mas’uul ah, oo dhaqaajin kara Wershadda Warbaahinta Somalia iyo inuu dalku yeesho Nidaam Saxaafad Madax-bannaan.
Madaxweynaha waxa uu soo hadal qaaday Qoddobka Article 18-aad ee Xorriyadda Hadalka ee tilmaamayo inuu qof kasta uu xaq u leeyahay inuu cabiro Ra’yigiisa iyo inay heleen meel ay Warbaahin Ra’yigooda ku gudbin karaan.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maahir Jaamac Aadan iyo Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka hadlay Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay xubno ka tirsan Suxufiyiinta waxay Madaxweynaha la wadaageen Walaaca ay qabaan Suxufiyiinta, waxayna u gudbiyeen Aaraa ku aadan Kaalinta Dowladda Federalka ka qaadan karto Badbaadinta Suxufiyiinta iyo in kuwa dhibaateeyo Suxufiyiinta lala xisaabtamo, lana joojiyo Tacadiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta.
©Radio Dalsan