Madaxweyne C/Fataax El-sisi waxa uu maanta booqasho Taariikhi ah ku tegay dalka Iraq, isagoo ballanqaaday Iskaashi buuxa iyo inuu taageerayo Midnimada Iraq iyo inay door dhexe ku yeeshaan Arrimaha Mandiqada.
Afhayeenka Madaxtooyada Masar, Basaam Raadi waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne El-Sisi hoosta ka xariiqay inay dadka Masaarida xushmad u hayaan Ciraaqiyiinta, Ilbaxnimadooda iyo Taariikhdooda.
Madaxweynuhu waxa uu xusay inay Dowladiisa ka shaqeyn doonto xooJinta dhamaan Heerarka Iskaashiga iyo Taageerada soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka
Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar waxa uu la kulmay dhigiisa dalka Iraq, Â Barham Salah iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, Maxamed Al-Halbuusi iyo RW Mustafa Al-Kadhimi.
Booqashada uu Madaxweynaha Masar ku tegay dalka Iraq ayaa ah tii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Masaari ah ku tago dalkaasi tan iyo sanadkii 1990-kii, xilligaas oo uu Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Xusni Mubaarak booqaday magaalladda Baqdaad.