Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo shaley ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaran. Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda kadib ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray dadka iyo dalka. “Allaha u naxariisto marxuumka. Waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka’ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu Ilaahay uga baryey inuu Marxuumka ka waraabiyo naxariistii janno, qoyskii iyo eheladii uu ka dhintey iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan. Tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Goobaale, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfuur Galbeed, saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, iyo xubno ka tirsan qoyska marxuumka. Marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale ayaa shalay ku geeriyooday is-qarxin lala beegsaday gaarigiisa, xilli uu marayey Jidka Wershadaha ee magaalladda Muqdisho. ————————-DHAMMAAD—————————- |
|
|
|