Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu Talaadada maanta ah ku dhowaaqo inuu u tartamayo muddo xileed labaad, isaga oo noqon doono qofkii ugu daΓ’β¬β’da weynaa ee sidaas sameeya isaga oo ah 80 jir.
Γ’β¬ΕLa socda,Γ’β¬Β ayuu Biden weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad Isniintii.
Biden oo Dimoqraadi ah ayaa la filayaa inuu baahiyo farriin muuqaal ah, si la mid ah sidii uu sameeyey afar sano kahor markii uu ku dhowaaqay inuu u tartamayo doorashadii 2020 ee uu kaga adkaaday madaxweyne Donald Trump.
Kadib guulo sharci oo dhowr ah iyo siyaasad arrimo dibadeed oo caqabado badneyd labadii sano ee ugu horreysay ee xafiiska, Biden ayaanu jirin musharax muuqda oo ku jira xisbiga Dimoqraadiga oo la loolama.
Hase yeeshee waxaa la filayaa inuu wajaho weydiimo joogto ah oo xooggan oo ku saabsan daΓ’β¬β’diisa.
Biden ayaa noqon doona 86 jir marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad haddii uu ku guuleysto.