Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiista maanta ah laga helay xanuunka COVID-10, waxaa sidaas shaaciyey Aqalka Cade ee looga arrimiyo Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in 79 jirkan uu dareemayo “astaamaha cudurka oo qafiif ah,†islamarkaana uu si buuxda u gudan doono shaqooyinkiisa isaga oo isku go’doomin doona Aqalka Cad.
“Si buuxda ayuu u talaalan yahay wuxuuna laba jeer qaatay tallaal xoojin ah. Wuxuu dareemaya astaamo kooban,†ayaa lagu yiri war-saxaadeedka kasoo baxay Aqalka Cad, oo intaas ku daray in Biden uu billaabay qaadashada kaniiniga difaaca COVID-19 ee Paxlovid, oo ay sameyso shirkadda Pfizer.
Biden ayaa lagu waday inuu maanta u safro gobolka Pennsylvania, taasi oo qeyb ka ah safarro uu dalka gudihiisa ku marayo si uu u xoojiyo xisbiga Dimoqraadiga kahor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee bisha November.
Dimoqraadiga ayaa wajahaya doorasho adag oo ay u badan tahay in loogala wareego aqlabiyadda Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka.