Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagoo ka duulaya barnaamijka wax-qabadka xukuumadda ee Hormarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta Dhaqaalaha, wuxuu xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin u magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland.
Magacyada Xubnaha Guddiga:
1- Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye
2- Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin
3- Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin
4- Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin
5- Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan DhabancadΓΒ Xubin
6- Dr. Carshe Maxamed SiciidΓΒ Xubin
Waajibaadka Guddiga:
1- Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.
2- Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.
3- Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.
Haddaba, xubnaha gudiga waxaa la farayaa in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.