Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu casuumay magaalada Laascaanood gaar ahaana Goojacade, oo ah goob muhiim ah oo ku taalla agagaarka Laascaanood,Goojacade ayaa ah saldhigii ugu waynaa ee ay deganayeen ciidamada maamulka,Soomaaliland.Halkaas oo shacabka Laascaanood ay ku xusayaan maalintii ay maamulka Somaliland ka saareen magaalada. Xuskan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo ujeedkiisu yahay xoojinta midnimada shacabka iyo in la xuso guusha laga gaaray dagaalkii ka dhacay Laascaanood.Maamulka Soomaaliland ayaa laga saaray magaaladaas maalin jumco ah bishuna tahay 25ka bishii 8aad 2023 sanad ayaa maanta kasoo wareegtay.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa shaaca ka qaaday in maalintaas si wayn loo wayneynaayo.
Dabaaldegga Laascaanood ayaa si weyn loogu maamuusayaa guushii laga gaaray maamulka Somaliland, taas oo shacabka deegaanku u arkaan inay tahay maalin xusuus mudan oo ay dib u heleen xorriyadooda. Goobaha lagu dabaal degayo ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda Puntland, saraakiisha ciidamada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dabaaldegga ayaa sidoo kale muujinaya taageerada shacabka Laascaanood maamulka gaarka ee ay Yagleeleen,sida ay uga go’an tahay inay ka mid in ay dhistaan maamul ay ku tanaadaan, iyagoo diidaya in dib loogu soo celiyo gacanta Somaliland. Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, oo ka mid ah martida sharaf ee xuskan, ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad uu ku bogaadinayo shacabka Laascaanood, isagoo dhiirigelin doona midnimada iyo nabadda gobolka.
Xuskan ayaa ah mid ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee muujinaya isbeddelada ka socda gobollada waqooyi ee Soomaaliya, iyadoo Puntland ay dooneyso in ay xoojiso saameynteeda iyo taageerada ay ka haysato deegaannadaas.