Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega inta u dhaxeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Waxa hay’adaha Amniga ee Maamulka Galmudug la faray in ay la shaqeeyaan xubnaha guddiga si xal waara looga gaaro colaad ka jirta degaanada Caabudwaaq iyo Xeraal ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.
Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka
Dhinaca kale, Galmudug ayaa u digtay dad ay sheegtay inay ku howlan yihiin hurinta dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaanada maamulkaasi
“Waxaa looga digayaa kuwa ku howlan hurinta colaadaha iyo isku dirka walaalaha ah, kana dhex raadinaya dano raqiis ah inayo ka waantoobaanâ€