Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu Saraakiisha Sarsare ee Boliska berrito kula kulmo Dugsiga Tababarka CID-da ee Xaafadda South C ee magaalladda Nairobi, si ay uga warbixiyaan qaabka lagu sugi karo Ammaanka iyo Caqabadaha ka hor yimaada.
Madaxda Waaxyaha Boliska sida Boliska GSU, CID-da, Taliyayaasha Boliska Gobaladda iyo Boliska dhinaca Maamulka ee AP ayaa lagu casuumay Kulankaasi,
Saraakiisha waxaa kaloo lagu wadaa inay soo bandhigaan Istaraatijiyadda wax looga qabanayo kororka cabsida Alshabaab, iyadoo dhacdadii ugu dambeysay lagu dilay Askar Kenyan oo ku sugan gudaha dalka Somalia.
Kulanka uu Uhuru Kenyatta la yeelanayo Saraakiisha Sarsare ee Boliska ayaa ah Kulankii Labaad ee uu la yeesho, tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay sannadkii 2013-kii.
©Radio Dalsan        Â