Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deeegaanka BuuloXaaji ee gobolka Jubada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay dagaalamayaasha Al Shabaab.
Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Dowladda ay bilaabi doonaan Adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo dhawaan loo fasaxay deegaanka iyadoo Madaxweynahu uu intaas ku daray in maamulka deegaanka sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo dhisi doono.
Waxaa Madaxweynahu uu balanqaaday in Ciidamada xoreeyay Buulo Xaaji ayna dib uga noqon doonin isagoo sheegay in sidoo kale deegaanka laga hirgalin doono maxkamad isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado dagaalamayaasha Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo dheer Al Shabaab  ay isku diraysay beelaha deegaanka taas oo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah.