Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal.
Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka.
Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii Janaayo 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas.
Booqashada oo ku timid casuumadda amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani “ayaa dhiseysa xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab,†waxaa sidaas yiri mas’uul Imaaraati ah oo la hadlay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM.