Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in walaaltinimo lagu dhameeyo xurgufta diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Jabuuti iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Madaxweyne Waare oo la hadlayay Idaacada Voa-da ayaa sheegay in saameyn weyn ay ku yeelaneyso tabashada ay qabto dowladda Jabuuti oo Ciidamo farabadan ay ka joogaan deegaanada Maamulkiisa,iyaga oo ku howlgalla Magaca AMISOM.
”Xaqiiqdii sigaar ah ayay noo taabaneysaa cabashada walaalaheena reer Jabuuti oo dhiigeena inoo huray oo noo guday abaalkii aan u galnay xilligii xurnimadii,waxaana rajo ka qabaa in wax walba oo jira sihoose loo xalin doono laakin mar walba ma ahan kuwo naga go’aayo Jabuuti ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Dowladda Jabuuti ayaa aad uga carootay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee uu QM uga codsaday in cunaqabateynta looga qaado dowladda Eleteria,iyaga oo jawaab ka bixiyey hadalkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Hir-Shabeelle.