Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ew Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.
Madaxweyne Lafta-gareen oo socdaalka ku wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweyay Madaxweyne Lafta-gareen iyo Mas’uuliyiin kale oo farabadan.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoona ka wada hadli doona xaaladda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor uu si gaar ah ugala hadli doono Madaxweyne Lafta-gareen sidii loo xallin lahaa caqabadaha jira iyo khilaafka u dhexeeya Lafta-gareen iyo Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha Gamudug ayaa la tilmaamayaa inuu bilaabayo dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka Lafta-gareen iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo salka ku haaya Arrimaha doorashooyinka.