Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu shalay booqasho aan rasmi ahayn ku tegay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Ilo ku dhowdhow Madaxtooyadda Galmudug ayaa sheegay inuu Madaxweyne Guuleed kulamo la yeelan doono G/Xigeenka Barlamaanka Kenya, Â Faarax Macallim Cabdi iyo qaar ka mid ah Jaalliyadda Reer Galmudug ee ku dhaqan Kenya.
Waxa la sheegay inuu  kala hadli doono Jaalliyadda Galmudug  Isbedelka Siyaasadda Somalia  iyo Doorashooyinka dhici doono sannadka soo socda iyo Horumarinta Deegaanadda hoos yimaada Maamul-gobaleedka Galmudug.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Glamudug waxa uu la kulmi doonaa Ergadda Beesha Caalamka ee danaysa Arrimaha Somalia, si uu ugu gudbiyo Qorshaha Maamulkiisa iyo Taageeradda Beesha Caalamka ka geysanayaan Adeegyadda muhiimka ee Maamulkiisa.
©Radio Dalsan Â