Saakay Waaberigii ayaa dagaal qaraax oo u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed waxa uu ka qarxay deegaanka Dacdheer oo ku yaalla Xadka uu Gobolka Galgaduud la wadaago dalka Itoobiya.
Dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waaxaa ka hadlay madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale geelle Xaaf,waxaana uu baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamaya Deegaanka dacdheer ee dhaca xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Itoobiya .
Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si Deg Deg ah loo joojiyo dagaalka wax walbana lagu xaliyo wadahadal.
Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa sidoo kale Maanta ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday dagaalkaas Maanta ka dhacay deegaanka dacdheer ee Gobolka Galgaduud.