Warar hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor uu xalay ku qaabilay hoygiisa Taliyihii hore Nabadsugida Fahad Yaasiin.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka ay sidoo kale qayb ka ahayeen xubno kale oo uu ku jiraan Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley, waxaana intii kulanku uu socday ay dhinacyadu kaga hadleen arrimo ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo.
Kulanka Xalay dhex-maray Madaxweynaha Galmudug iyo Fahad Yaasiin ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray khilaafka taagan ee u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareerayay, tan iyo markii uu Rooble xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa loo arkaa  in uu yahay saaxibka ugu weyn ee Villa Somalia heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble,waxaana haray uu isugu dayay in uu xaliyo khilaafka labada Mas’uul, iyadoo horay loogu guuldarraystay xalinta khilaafka, waxaana Qoorqoor uu hor kacayay dhinacyada ku howlan isku soodhaweynta Farmaajo iyo Rooble.
Fahad Yaasiin ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay tan iyo markii laga qaaday xilka, waxaana shalay Madaxtootada lagu qabtay Munaasabad kooban oo uu kula wareegay xilka La-taliyaha amniga Qaranka, isagoona xilkaas kala wareegay Cabdisaciid Muuse Cali oo hadda ah Agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
Si kastaba Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo awoodaha dhanka sharciga ayaa waxaa markiisii hore uu ka bilowday xilka qaadis uu RW Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin, isla markaana waxaa uu sii xoogeystay markii Farmaajo awoodaha ka dhimay Ra’iisul Wasaare Rooble.