Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu markii Labaad Bartiisa Facebook soo dhigay Farriin Cod oo ku saabsan Dacwadda Badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya, wuxuuna ka hadlay Mowqifka Dowladda Federalka ee ku aadan arrintaasi.
Waxa uu  tilmaamay inay Somalia u doodayso Xuquuqdeeda ku aadan Milkiyadda Xuduud-baddeedka ee ay Dowladda Kenya sheeganayso, wuxuuna  rajo wanaagsan ka bixiyey inay Somalia ku guuleysan doonto Dacwada la xiriirta Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.
“Somalia marnaba ma gar-darna, waxay raadinaysaa Xaqa ka maqan, iyadoo la raacayo Sharuucda Caalamka†ayuu yiri Madaxweynaha oo hoosta ka xariiqay inay Somalia iyo Kenya yihiin dalal deris ah oo wada saxiixay Go’aankii Caalamiga ee lagu dhisay Maxkamadda Garsoorka ee Caalamiga (ICG).
Madaxweynaha waxa uu Farriinta uu soo dhigay Bartiisa Facebook  uga mahad celiyey Shacabka Soomaalida Mowqif ka Mideysan ay iska taagan Qaddiyadda Dacwadda Muranka Badda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Isku duubnidaasi horseedi doonto in ay Somalia u soo laaban doonto Xuquuqaha ka maqan.
Dhinaca kale, Maxkamadda Garsoorka Caalamiga (ICJ) ee magaalladda Hague ee dalka Holland ayaa la filayaa inay maalinta Jimcaha ee soo socota soo gebagebayso Dhegeysiga Gar-naqsiga Ergooyinka Somalia iyo Kenya ee dacwadda la xiriirta Muranka Xuduud-baddeedka.
©Radio Dalsan