Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka u dahxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada kuwada nool Itoobiya ee maalmihii la soo dhaafay dagaalamayay.
Mudane Cagjar ayaa meesha ka saaray in uu xilligaan jiro dagaal dagaal toos ah oo u dhaxeeya labada qowmiyadood,hayeeshee ay  Jiraan shaqsiyaad soomaali ah oo siyaasadeynaya weerarada mudooyinkii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Mooyaale iyo degaanada kale.
Isaga oo warbaahinta la hadlayay kadib markii uu Magalada Wajaale ee Xaduudka Soomaaliland iyo Itoobiya uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi ayuu sheegay in waligiis uu dagaalkaas oo jiri jiray,isla markanaa uu yahay mid u dhaxeeya tiro yar oo soomaali ah iyo qowmiyada Oromada .
Marka laga soo tago hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa ayaa hadana dagaalada maalmihii la soo dhacay ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo ka soo jeeda laba dhinac,waxaana magaalada Moyale si toos ah ula wareegay gacan ku heynteeda Milatariga dowlada Itoobiya.