Madaxweynaha Cusub ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiye Mustaf Muxumed Cumar ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay dagaalka u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya.
Waxa uu sheegay in isagu qorshihiisu uu yahay dhowrista,dhaqanka Diinta.iyo waxkasta oo nabada ka soo horjeeda,isla markaana uu ka Shaqeyn doono mideynta Soomaalida degan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Sigaar ah ayuu sheegay inaysan ogolaan doonin in marnaba la dagaalamo,balse dadka dhaliilaya maamulkiisa uu u ogolaanayo inay keenaan aragtiyo ka duwan siyaasadiisa.
Dagaalka u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ah mid waqti badan soo socday,waxaana weli ku guuleysan in xal laga gaaro dagaalkaas madaxda soo martay deegaanada.Soomaalida Itoobiya,balse Madaxweynaha Cusub ee DDSI u sheegay in uu waxka qaban doono.