Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guuleystay Madaxtinimada Dowlad Goboledeka Puntland,kadib doorasho Maanta lagu qabtay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegii Saddexaad ee doorashada waxa uu la tartamay Janeraal Asad Cismaan Cabdullaahi  ,waxaana codadka ay kala heleen Siciid Cabdullaahi Deni 35 Cod halka Janeraal Asad Cismaan Cabdullaahi  oo la tartamay uu helay 31 Cod.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa isla Goobta ku dhaariyay Madaxweynaha Cusub ee Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ku tartami doonaan 11 Musharax.