Madaxweynaha dalkaasi, Pierre Nkurunziza ayaa ku dhawaaqay in Ciiddankiisa kala bixi doono Hawlgalka AMISOM, haddii aan la siinin lacagaha Mushaaraadka ee dhowrka bilood ka maqan.
Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Suxufiyiinta kula hadlay Degmadda Rutana oo qiyaastii 95 KM dhanka K/bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Bujumbura.
“Dowladda Burundi waxay Qoraal u dirtay Ururka Midowga Afrika oo ay ku sheegtay haddii ay sii socoto Mushaar La’aanta haysata Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM inaan diyaar u nahay inaan Ciiddanka la soo baxno laga bilaabo bisha Janaayo†ayuu yiri Madaxweyne Pierre Nkurunziza.
Waxa uu ku eedeeyey Ururka Midowga Afrika inaysan xushmeynin Heshiisyo ay kala saxiixdeen, isla markaana ay wiiqayaan Ciiddanka Nabad-ilaalinta Burundi oo uu xusay inay Kharaj badan ku bixiyeen Tababarkooda iyo Qalabkooda ka hor intaysan u soo ambabaixin Somalia.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalkaasi, Pierre Nkurunziza waxa uu Toddobaadkii hore tilmaamay inaysan Ciiddankiisa qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM aysan wax mushaaraad ah helin muddo 10-bilood ah.
Wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Midowga Europe ee maalgeliya Hawlgalka AMISOM inay xayireen Mushaaraadkii Ciiddanka Burundi, taasi oo qeyb ka ah Cunqabataynta ay EU-da ku soo rogeen dalkiisa.
Madaxweynaha Burundi waxa uu carranka ku dhuftay inaysan Caddaalad ahayn in dalalka kale ee ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia la siiyo Mushaarkooda, halka kuwa Burundina aan waxba loo taagin..
Askari kasta oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM waxa bishii mushaar ahaan loo siiyaa 1,028 Dollar, inkastoo Askari kasta 200 Dollar ka jartaan Dowladaha ay ka soo jeedaan.
Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Burunddi waxaa Somalia ka jooga 5,432 Askari, waana Ciiddanka Labaad ee ugu badan Hawlgalkaasi, marka laga reebo Uganda oo ay 6,223 Askari ka joogaan Somalia.
©Radio Dalsan