Madaxweyne Ashraf Qaani ayaa hadalkaasi ku sheegay qoraal uu maanta soo dhigay Bratiisa Twitter-ka, Â wuxuuna sheegay inay xabbad-joojintaasi socon doonta ilaa bishan June 20-da.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Xabbad-joojinta socon doonto, laga bilaabo bilaabo bishan Ramadaan 27-da ilaa maalinta 5-aad ee Ciiddul-Fidriga .
Madaxweynaha Afganistan waxa uu tilmaamay inay Xabbad-joojinta ugu dhawaaqeen si loo xoojiyo Dowladda iyo Rabitaanka Ummadda Afganistan in Nabad lagu xaliyo Colaadda ka socota dalkaasi.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Afganistan waxa uu tilmaamay inay sii socon doonaan Dagaalka ay kula jiraan Kooxaha kale sida Maleeshiyadda Daacish.