Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.
Wafdiga Madaxweynaha Maamulka puntland ayaa waxaa kismaanyo kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Jubaland iyo qeybaha kala Duwan ee Bulshadda Magaaladaasi.
C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu waramayaa in uu kulamo la qadanayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoowe.
Ammaanka Magaaladda ayaa aad loo adkeeyay iyada oo Ciidamo dheeri ah la dhigay Xaafadaha Kismaayo.