Madaxtooyada Puntland ayaa ka hadashay shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku galeen inta dhexeeysa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu xaqiijiyey geerida Lix Askari oo ka tirsanaa Ciidanka ilaalada Madaxweynaha, kuwaasi oo ku dhintay Shil gaari, sidoo kalena ay jiraan 7 Askari kale oo dhaawac soo gaaray.
Madaxtooyada ayaa tacsi u dirtay Ciidamada Daraawiishta dowlad Puntland, waxaana Askarta geeriyootay kamid ahaa Kabtan Khadar cabdi Jalfis iyo Shan Askari oo kale, kuwaasi oo kusii jeeday Magaalada Garoowe, balse gaari uu la rogmaday.
“Madaxtooyada Puntland waxay Ciidamada Daraawiishta Puntland uga ka tacsiyeynaysaa geerida 6-Askari oo maanta ku geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa  Qardho iyo Garoowe. Alle Waxaan uga baraynaa in uu janadii geeyo inta geeriyootay, Kuwa dhaawacmayna uu alle u boogga dhayo, eheladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeena Alle samir iyo iimaan ha kasiiyo, Aamiin†ayaa lagu yiri Qoraalka.
Ciidamada Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ka baxay Magaalada Boosaaso, iyagoona kusii jeeday Magaalada Garoowe, isla markaana waxaa ay hordhac u ahaayeen Safar Madaxweyne Deni ee uu Maanta ku tegayo Garoowe.