Madaxda Xisbiga Himilo-qaran oo uu hoggaamiyo madaxweyne hore Shariif Sh.Axmed ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah.
Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Wasiirudowlaha Cadaaladda XFS ahna Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Dr. Maxamed Maxamuud Shirwac iyo Xoghaya Maaliyadda xisbiga Himilo Qaran Cabdinaasir Maxamed Sh Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Raysal wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sixidda Doorashada iyo dardar gelinta doorashooyinka, waxaana la isku raacay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dib u dhigi kara arrimaha doorashada taasoo saldhig u ah horusocodka Dowladnimada Soomaaliya.
Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo Golaha Midowga Musharixiinta ay ku dhawaaqeen Shirweyne, kaasi oo aysan shaacin xiliga uu furmi doono, waxaana soo baxayay Warar hoose oo sheegayay in Xubnaha midowga Musharxiinta ay ku kala qaybsameen tallabadaasi.