Bishan July 14-da ilaa 15-da waxaa caasimadda dalka Uganda ee Kampala kulan khaas ah ku yeelan doono Madaxda Hay’addaha sirdoonka iyo ammaanka ee dalalka ku jira Urur-gobaleedka IGAD iyo kuwa Mujtamaca Bariga Africa (EAC).
Kulankaasi ayaa la sheegay in dib loogu eegi doono qorshaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo qaabka ugu wanaagsan ee la isaga kaashan karo ammaanka iyo awoodaha dagaalladda ka dhanka ah Alshabaab
Kulankaasi ayaa waxa uu ka mid ah go’aanadii ka soo baxay Shirkii Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midowga Afrika oo ay bishii hore ee June 30-dii ku yeesheen caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Dhinaca kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay inay dhawaan qaadi doonaan Hawlgal ka dhan ah Dagaalamayaasha Alshabaab, inkastoo ay Alshabaab xalay Hoobiyayaal ku weerareen Ciiddanka AMISOM ee ku sugan Garoonka Ciyaaraha ee Mogadishu Stadium ee magaalladdan Muqdisho.
© Radio Dalsan