Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa soo saaray Qoraal ku wajahan Madaxda Madasha Qaranka, kaasi oo uu kaga hadlay Qoddobo muhiim oo ay ku jiraan Xilliga Kala-guurka Siyaasadda, Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Qabsoomida Doorashadda Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Ambassador Michael Keating waxa u usoo dhaweeyey Shirka Madaxda Wada-tashiga Qaranka ee la filayo in berrito (December 7-da) uga furmayo magaalladda Muqdisho, si looga wada arrinsado Qoddobadda muhiimka u ah si loo dhamaystiro Hawlaha ka harsan Doorashooyinka.
Waxa uu Madaxda Madasha ugu baaqay inay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda taageero ka siiyaan Baaritaanka Dacwada Rasmiga ee loo soo gudbiyey, Xalinta Muranada taagan ee ka dhashay Cod-bixintii Doorashadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo soo socda.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa sheegay inay Guddiga Doorashadda Dadban ee Federalka waajib ku tahay inay bilaabaan sida ugu suurtogalsan Caddaynta Xilddhibaanadda cusub ee ku soo baxay Aqalka  Hoose iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, si Xildhibaanadaasi isaga diiwaan geliyaan Barlamaanka Federalka Somalia.
Ambassador Michael Keating waxa uu Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ugu baaqay inay xaliyaan Khilaafkooda Kuraasta Aqalka Hoose ee loo qoondeeyey Beelaha Waqooyiga, iyadoo aan la fargelin lagu samayn kaarin Hawlaha u harsan Guddiga Doorashadda Dadban.
Ugu dambeyntii, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, waxa uu ka mahad celiyey in Saaxiibadda Somalia ee Beesha Caalamka lagu casuumo ka soo qeyb galaan Wejigha Hore ee Shirka Madaxda Madasha Qaranka.
©Radio Dalsan