Guddoomiyaha Guddiga Waxbarashadda ee Barlamaanka Kenya, Julius Melly ayaa sheegay inay u yeeri doonaan Ku-xigeenka Hormuudka Jaamacadda The University of Nairobi, Peter Mbithi si ay wax uga weydiiyaan warbixinta Boliska ku sheegeen inay jiraan Arday mushaar ka qaata Alshabaab iyo Daacish.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay tahay eedeyn khatar ah wararkaasi, loona baahan yahay in loo iftiimiyo arrinkaasi.
“Waxaan si degdeg ah ugu yeeri doonaan Ku-xigeenka Hormuudka Jaamacadda The University of Nairobi si uu inoogu faahfaahiyo Ardayda ay lacagaha siiyaan Kooxaha Alshabaab iyo Dacaish†ayuu yiri Julius Melly.
Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxahaasi ay bartilmaameed ka dhiganayaan Ardayda, isla markaana aan wax fudud loo qaadan karin Warbixinta Boliska.
Wasiirka Waxbarashadda ee dalka Kenya, Jacob Kaimenyi ayaa isagana sheegay inaysan Wasaaradiisa weli helin eedeymaha isku xiraya Ardayda iyo Alshabaab, wuxuuse ballanqaaday inuu si hoose u eegi doono Warbixintaas.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan Ardayda ka qaadi karin Tallaabo Fal Anshax-marin ah.
Dhinaca kale, Agaasimaha Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Argagixisadda, Isaac Ochieng ayaa dhawaan sheegay inay hayaan caddaymo muujinaya in qaar ka mid ah ardayda dhigata Jamaacadda The University of Nairobi mushaar ka qaataan Alshabaab iyo Daacish, waa sida uu hadalka u yiri.
Isagoo ka hadlayey Dood looga hadlayey Ka-hortagga Xag-jirnimadda oo lagu qabtay Hoolka Jamaacadaasi ayaa waxa uu ku baaqay inay isa soo dhiibaan Ardayda mushaarka ka qaata Alshabaab iyo Daacish , ka hor intaysan ciiddanka Ammaanka soo qabanin Ardayda lo ohayo caddaymaha.
© Radio Dalsan