Hogaamiyayaasha waddamada Jaamacadda Carabta ayaa Talaadadii shalay isla qaatay qorshaha dib u dhiska Gaza ee ay Masar soo jeedisyay, kaas oo ay ku kacayso qarash gaaraya 53 bilyan oo dollarka mareykanka ah.
Qorshaha Masar ayaa ahaa mid lagaga fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulka go’doonsan Marinka Gaza, tasoo ka hor imaaneysa qorhsihii uu bishii Janaayo soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Trump ayaa qorshihiisa ku sheegay in Mareykanka uu la wareegao Gaza, si wanaagsan uu dhisi doono, falastiiniyiinta ku noolna, dib u dejin loogu sameyn doono Wadamada Masar iyo Urdun.
Madaxweynaha Masar Cabdilfatax Al Sisi ayaa xiritaankii shir-madaxeedka Carabta oo shalay ka dhacay Qaahira, ka sheegay in soo jeedinta la aqbalay.