Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka aheyd tiirarkiisa.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.â€
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu Alle u weydiiyey marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo bahda fanka uga tacsiyeeyay geeridii xalay ku timid hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige.
Marxuumaddu ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse tilmaamay inay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay.