Hoggaamiyayaasha Dowladaha Kenya, Uganda, Tanzania, Ruwanda iyo Burundi ee ku mideysan Urur-gobaleedka Bulshadda Bariga Afrika “East African Community (EAC)†waxay maanta Kulankooda 17-aad ee Caadiga ah ku leeyihiin Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla magaalladda Arusha ee dalka Tanzania.
Ajendayaasha ugu waa weyn ee ay ka wada tashan doonaan waxaa ka mid ah Codsiga Xubinnimadda ee dalalka Somalia iyo Koonfurta Sudan ee ay kaga mid noqonayaan Urur-gobaleedka Bulshadda Bariga Afrika (EAC).
Golaha Wasiiradda ee dalalka ku bahoobay Urur-gobaleedka EAC ayaa la sheegay inay Warbixin ka diyaariyeen Codsiyadda Somalia iyo Koonfurta Suudaan, waxaana lagu wadaa inay Hoggaamiyayaasha tixgeliyaan Codsiga Dowladda Somalia ee ka mid noqoshadda Dowladaha ku bahoobay Ururka EAC.
Ururkaasi waxaa la asaasay sannadkii 1967-kii, inkastoo uu burburay sannadkii 1977-kii, haddana waxaa mar kale dib loo dhidbay bishii July 7-dii ee sannadkii 2000.
Dowladaha ku mideysan Urur-gobaleedka Bulshadda Bariga Afrika “East African Community (EAC) waxa qorshahooda ku jira inay yeeshaan Hal Baasaboor iyo Lacag Mideysan oo ka dhexeyn doonta dalalka xubnaha ka ah Ururkaasi.
©Radio Dalsan