Madaxa operation ka ee shirkadda Favori Ertugrul Karafiyeli oo maamusha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu soo oogay eedeymo culus oo ku saabsan xadgudubyo uu u geystay gabdho Soomaali ah.
Dalsan TV ayaa heshay muuqaalo muujinaya iyada oo uu ninkan si aan habboonayn ula dhaqmayo gabdhaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay si toos ah uga muuqato in uu ku samaynayo xadgudubyo ku salaysan jinsiga.
“Innaga oo ilaalinayna anshax-dhaqameedka suubban ee saxaafadda iyo qiyamka ummadnimo waxa aan ka baaqsannay in idinla wadaagno dhammaan muuqaallada aan helnayâ€.
Eedeymahan cusub ayaa soo kordhiyay walaac weyn oo ku saabsan hab-dhaqanka qallafsan ee madaxa shaqaalaha Favori, gaar ahaan muuqaalka uu ka muuqdo isaga oo ku hawlan falal xadgudubyo jinsi ah.
Dalsan TV ayaa ogaatay in eedeymahan cusub ay yihiin kuwa si weyn u dhalinaya carada bulshada, iyadoo gabdhaha la sheegay inay ka cabanayaan cadaadis iyo xadgudubyo jinsi.
Ilo xilkas ah oo ka tirsan Garsoorka Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in tani aysan ahayn markii ugu horeysay ee eedeymo noocan oo kale ah loo soo jeediyo ninkan. Waxaa la sheegay in kiiskan uu yahay kii saddexaad ee noociisa ah, taasoo muujinaysa inuu jiro qaab-dhaqan aan loo dulqaadan karin oo soo noqnoqday oo uu ku kacay.
Shirkadda Favori, oo mas’uul ka ah maamulka garoonka diyaaradaha, weli ma aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan eedeymahan iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan. Xiriirro xagga email ka ah oo aan la samaynay ayeysan shirkaddu nooga soo jawaabin, taasina waxa ay sii kordhisay su’aalaha iyo cadaadiska bulshada, iyadoo laga sugayo in shirkaddu ay si degdeg ah uga jawaabto dhacdadan.
Baaritaanno dheeri ah ayaa socda si cadaymo sii xoojinaya loogu helo eedeymahan iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo cadaaladda. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sii xoojinaya cadaadiska si loo helo macluumaad dheeraad ah