Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga.
Warka Maamulka ka soo baxay ayaa lagu yiri” Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid Codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.
Dhawaan ayay ahayd markii dad shacab ah oo deganaa goobtaasi si qasab ah looga kiciyay, iyadoo ay jireen warar sheegayay in shaqsiyaad gaar ah la dejin rabo goobtaasi laga kiciyay dadkii horay u deganaaa.
Waxaana warbaahinta kasoo muuqday qoys deganaa dhismaha xarunta, kuwaasi oo sheegay in burburinta lagu sameeyay goobtaasi ay ku ganacsanayeen ay tahay mid sharci darro ah.