Siddeed qof oo macdan qodayaal ah, ayaa ku dhintay kadib markii biyaha roobka ay ku fataheen, godka dahabka laga qodo ee waqooyi-galbeed ee dalka Tanzania.
Meydadka ayaa la helay Sabtidii, waxaana laga helay mid kamid ah macdan qodayaasha oo nool.
Maamulka ayaa sheegay in macdan qodayaasha ay si sharci darro ah u galeen, si ay dahab uga raadiyaan godad dhulka hoostiisa mara, kaasoo loo fasaxay kaliya howlaha cilmi baarista.
Taliyaha booliiska gobolka Geita, Safiya Jongo, ayaa BBC u sheegtay in hawlgalka samata bixinta lasoo gaba gabeeyey shalay, maadaama haatan dhammaan dadkii ku jirey godka lasoo bixiyey.