GAROOWE – Macallin Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere), oo laba toddobaad ku xiran magaalada Garoowe, ayaa maanta la horkeeni doonaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Garoowe, si loo dhegeysto kiiska loo haysto.
Maxkamadda ayaa la filayaa in ay u fariisato dhegaysiga dacwadda loo haysto macallinka, kaas oo dhowaan ay xireen ciidamada ammaanka Puntland.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Puntland, macallin Cabdiqaadir Dheere ayaa lagu eedeeyay mooral-gelin argagixiso, waxaana baaritaan uu ku socdaa.
Dhanka kale, bahda macallimiinta Gobolka Nugaal ayaa dhawaan ka hadlay xarigga macallinka, iyaga oo ka codsaday laamaha amniga in uu helo cadaalad.
Waxaa la sugayaa go’aanka maxkamadda ee kiiska macallinka.