Warar aan ka helnay xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wartanabada ayaa waxa ay sheegayaan in Macalin dhiga Dugsi Quraan uu dilay mid ka mid ah Ardayda Dugsigiisa oo Gabar yar aheyd.
Dilka Gabadha ayaa la sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii uu Gabadha Madaxa kaga dhuftay ul,sida ay sheegeen dad ku sugan Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada.
In kastoo Maamulka degmada iyo ehelada Gabadha geeriyootay asyan wax faah faahin ah ka bixin falkaas ayaa hadana,waxaa wararka qaar ay sheegayaan in dhacdadaani ay tahay markii labaad uu Macalinku dilo Gabar dhiganeysay Dugsigiisa.
Dhacdooyinka isdilka ah iyo kuwa layaabka leh ayaa bilihii u dambeysay waxa ay ka dhacayeen Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya,waxana dad badani ay aad ula yaaban yihiin.