Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala noqdeen Hey’addaha dowladda Federaalka inta laga helayo Hannaan Federaal oo dhameystiran oo Soomaali heshiis ku tahay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka yeelanayo awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay.
Shirkan deg deg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa tashi dheer kadib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.
Go’aanka Puntland ayaa waxaa uu jawaab u ahaa talaabadii Xildhibaanadda Labada Aqal ee baarlamanka Somalia ku anxsixiyeen Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee wax ka bedelka dastuurka.