Taliyaha ciidanka Booliska Maamulka Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa ka qayb galay shir aan caadi ahayn oo looga hadlayey xoojinta Amniga caasimadda Puntland ee Garoowe, shirkaasi ayaana ka qabsoomay xarunta Gobolka Nugaal
Shirka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa lagu gorfeeyey xaaladihii amni iyo falalka soo noqnoqday ee ka dhacay magaalada Garoowe, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray dad shacab ah.
Shirka ayaa markii uu soo dhammaaday ayaa waxaa laga soo saaray Amaro dhowr ah oo ay kamid yihiin in hub ka dhigis lagu sameeyo dhamaan cidkasta oo wadata hubka sharci-darada ah, isla markaana la joojiyo howlaha nabadgalyada caasimadda Garoowe.
Saraakiisha ciidanka Booliska Puntland, masΓ’β¬β’uuliyiinta degmada Garoowe iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay shirka, waxaana Amarada laga soo saaray ay kala yihin
1-In hub ka dhigis lagu sameeyo dhamaan cidkasta oo wadata hubka sharci-darada ah.
2-In aan wax gaadiidka tagnikada ah magaalada lala dhexmarikarin hadii aysan shaqo kujirin.
3-In Dhamaan Taliyaasha ciidamadda dowladu ay xakameeyaan hubka ay masuulka kayihiin ciidanka ay xukumaaana aysan magaalada lasoo aadikarin lana dhexmarikarin.
4-In Dhamaan istaafyada masuuliyiinta dowlada aysan soo qaadan karin qoryaha hadii aysan shaqo kujirin.
5-Qorigii aan shaqo dowladeed kujirin ama cid sharci-daro ah wadatoΓΒ hadii la qabto waxaa la wareegaya ciidanka.
6-Qofkasta oo lagu qabto falal lid ku ah amniga waxaa la horkeenayaa sharciga cidii kadaba timaadana waxaa loo aqoonsanayaa iney lamid tahay.
7-Shirku wuxuu bulshada caasumadda iyo kuwa Puntlandba ku wargalinayaa iney ildheer kula socdaan kooxaha Argagixisada ah si aysan ugu soodhexdhuuman shacabka.