Maxamed Cismaan Yariisow oo ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka warbixiyay Howlgalo ciidammada Xoogga Dalka ay ka sameeyeen Marka laguna qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab.
“Qaar badan oo ka mid ah Al-Shabaab ayaa lagu soo qabtay howlgalo ciidammada Xoogga Dalka ay ka sameeyen Magaalada Marka, ciidamadana waxaa la shaqeeya kuwa deegaanka oo Al shabaab kala yaqaan, Howlgalada la sameeyay waxaa lagu qabtay 40 qof iyo ka badan, waxaana Al shabaabnimo ay ku cadaatay 20 ka mid ah dadkii lasoo qabtayâ€.
Yariisow ayaa sheegay in amniga Magaalada uu aad u wanaagsan yahay, ka dib wada shaqeyn xoogan oo dhex martay Ciidammada Xoogga iyo Shacabka magaalada Marka.
“Magaalada Marka markii hore Al shabaab dhinac ayay ka joogeen, waxayna dhibaateyn jireen dadka Shacabka oo fahmay dhagartooda, laakiin hada waxaa yimid Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa 14-ka Octoobar iyo Danab, shacabkana aad ayay ugu farxeen ciidan dowladda oo kala dambeyn leh, tababaro fiicana soo qaatay, Magaalada waa nabad galyo wax dhib ah ma jiraanâ€.
Saraakiisha Amniga ee ku sugan Magaalada Marka ayaa la wareegay raga la sheegay inay ka tirsan yihiin  ,iyada oo weli ay jiraan howlgallo kale ay sameyn doonaan.