Iyadoo Magaalooyin badan oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ay saameyn aad u daran ku yeesheen Roobabka Mahiigaanka ah ee ka da’aya dalka. Ayaa waxaa socda dadaallo wax looga qabanayo xaaldaha kasoo kordhay degaanadaaasi.
Kulamo kala duwan ayaa socda, waxaana Baydhabo maanta ka dhacay Kulan looga hadlayey sidii loogu gurman lahaa Dadka uu saameyey fatahaada daadadka uu wato Roobabka ka da’aya dalka .
Kulanka ayaa soo qabanqaabiyay Guddiga ka jawaabidda fatahaadaha ee KGS oo hogaaminaayo wasiirka wasaaradda maareenta musiibooyinka.
Wasiirka Wasaaradda dhalanyarada, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Howlaha guud , wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheenta iyo maamulka degmada Baydhabo ayaa Dhalanyarada Magalada kala hadleen in ay bilaabaan qaaraan aruuris si loogu gurmado Dadka Dhibaateysan iyo hal sanduuq oo midaysan .
Sidoo kale qaar kamid wasaaradaha iyo Taliska Ciidanka Booliska ayaa ka qeyb qaatey Deeqaha loogu gurmanayo Dadka uu saameyey daadadka .
Guddiga oo hogaaminaayo wasiir Caruush iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka koonfur galbeed ayaa kormeer kusoo sameeyeen magaalada Baydhabo guud ahaan, gaar ahaan meelaha dhibaatada gaartay .