Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hortimid qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso inay dalka uga saarto dhammaadka sanadkaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ATMIS.
Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin oo dhawaan ka hadlaayay Telefashinka qaranka ayaa sheegay in ciidamadda Itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadkan 2024.
Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ku leedahay barta X ee Twitterka horrey loogu yaqiin ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay shaqo muhiim ah ka hayaan dalka, isla markaana aysan xilligaan dalka ka bixin karin.
“Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadcelineynaa ka qeeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sii wadi doonaan in ay si joogaan oo ay doorkooda ka qaataan gobolka†ayaa lagu yiri Qoraalka.
Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale hadalka Xuseen Macallin ku tilmaamtay mid marin habaabin ah “Koonfur Galbeed waxay ka warqabta in shaqsiyaad marin habaabin wada ay isticmaalayaan maalmahan baraha bulshada sida Xusen Macalinâ€.
Magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan degaanada Koonfur galbeed ayaa waxaa ka howlgala boqolaal askari oo qeyb ka ah howlgalka ciidanka ATMIS ee Somalia.