Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyay ee si cad uga horyimaada go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku shaacisay qaadista canshuurta iibka oo ah 5%, taas oo ay Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ku dhowaaqday inay bilaabaneyso maalinta berri ah.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in tallaabadan aysan wax shaqo ah ku lahayn, maadaama aan la tashi lagala sameyn maamulka Jubbaland. Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale ku adkeystay in ay leeyihiin xeerar iyo nidaam u gaar ah canshuuraha, kuwaas oo la ansixiyay sanadkii 2023, isla markaana ay Jubbaland ku dhaqmeyso nidaamkaas.
Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa ganacsatada ku wargelisay in go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya uusan khusayn, isla markaana ay sidoodii u wataan howlahooda ganacsi iyagoo ku shaqeynaya qaababkii hore ee canshuur-bixinta ee ay Jubbaland horay usoo saartay.
“Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland waxay ogeysiineysaa dhammaan ganacsatada reer Jubaland in aysan khuseyn fulinta warqadda kasoo baxday waaxda dakhliga DFS, sidaas daraadeed waxaan ganacsatada reer Jubaland lagu wargelinayaa inay kusii shaqeeyaan oo kaliya qaababkii canshuur bixinta ee wasaaradda maaliyadda Jubaland ay horay usoo saartay,†ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maamulka Jubbaland.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in canshuurta iibka ee 5% ah si toos ah looga jari doono koontooyinka ganacsi maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18-ka Agoosto 2024. Dowladda ayaa sheegtay in lacagta canshuurta iibka laga qaadi doono muwaadiniinta marka ay adeegga iibsanayaan.
Si kastaba, go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo ganacsatada, oo aan weli isku fahmin habka loo jarayo canshuurta iyo sida ay uga dhaqan-geli doonto koontooyinkooda ganacsi. Arrintani waxay culeys hor leh ku noqon kartaa bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed oo ku filan.
Dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa waxa ay ku tilmaameen go’aanka maamulka Jubbaland uga hor yimi,Dowlada Dhexe ay tahay in lagu degdegay talaabada lagu hirgaliyay go’aankan.