Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay weerarkii Al-shabaab 2-da May 2022 ku qaadeen Saldhig Ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu Cambaareeyay weerarkii Ciidanka ATMIS lagu laayay ee ka dhacay Ceelbaraf, kaasi oo geystay khasaaro aad badan oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur.
Hirshabeelle ayaa sheegtay inay xanuunka la qeybsaneyaan ehelada dadkii shacabka ahaa ee ku waxyeeloobay weeraradii Al-shabaab, iyagoona tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi oo ay weerarka uga dhinteen Askar farabadan oo ATMIS ka tirsan.
“Dowladda Hirshabeelle waxay Dawladda iyo Shacabka Burundi uga tacsiyadaynaysaa geeridii tira kamid ah ciidamada qeybta ka ah ATMIS ee Soomaaliya u yimid in ay ka gacan siiyaan nabadaynta Soomaaliya†ayaa lagu yiri War kasoo baxay dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Al-shabaab ayaa shaacisay in weerarka oo ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ay Ciidanka Burundi uga dileen ugu yaraan 173 Askari, halka tobanaan kalena Askar ay dhaawacyo gaarsiiyeen, waxaana markii dambe halkaas isaga baxay Ciidanka ATMIS.
Si kastaba Midowga Afrika, QM, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa hore u Cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay Al-shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Shabeellaha Dhexe.