Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa si cad loogu digay dowladda Itoobiya, taasoo lagu eedeeyay in ay abaabul ka dhan ah madaxbannaanida dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya. Digniintan ayaa ku saleysan cabsi laga qabo in dowladda Itoobiya ay faragelin ku sameyso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda u dhaxaysa Hiiraan iyo Itoobiya.
Warsaxaafadeedka ayaa faray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan xuduudaha Hiiraan iyo Itoobiya, in ay xoojiyaan difaaca iyo sugidda amniga aaggaas, si looga hortago khatar kasta oo uga timaada dhinaca Itoobiya. Tallaabadani waxay muujineysaa sida maamulka gobolka Hiiraan uga go’an tahay in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo difaaca qaranka, iyadoo la adkeynayo xuduudaha dhuleed, cirka iyo badda ee Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay maamulka Hiiraan wuxuu sidoo kale baaq u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada xuduudka, isagoo uga digay inay feejignaadaan dhagarta iyo qorsheyaasha Itoobiya ay damacsan tahay. Maamulka Hiiraan wuxuu tilmaamay in dowladda Itoobiya ay adeegsanayso kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo ay ku kicinayso bulshada deggan gobolka Hiiraan, si ay u carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida.
Warsaxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya xilli mas’uuliyiin ka tirsan maamulka la baxay “Hiiraan State” ay booqasho ku joogaan magaalada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Mas’uuliyiintan ayaa kulamo la leh saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo in xiriir siyaasadeed oo kala dhantaalaya madaxbannaanida Soomaaliya uu ka socdo xadka labada dal.
Iskusoo wada duuboo, digniinta kasoo baxday maamulka gobolka Hiiraan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu difaacayo xuduudaha iyo madaxbannaanida qaranka, iyadoo Itoobiya looga digayo faragelinta ay ka wado xuduudaha Hiiraan iyo qorsheyaasha ay ku damacsan tahay iney ku dhaawacdo dowladnimada Soomaaliya. Maamulka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowladdu iney tallaabo degdeg ah ka qaaddo abaabulka laga dareemayo xadka si looga hortago dhibaatada ka imaan karta.