Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo aay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne Agaasimaha Wasaarada Gargaarka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle , ayaa kulan wadajir ah la qaatay Hay’adaha samafalka ee ka howlgalo Gobalka Hiiraan.
Guddoomiyaha Gobalka ayaa Hay’adaha ka dhageeystay warbixino la xiriiro waxa aay Bulshada u qabteen oo la taaban karo asigoo carabka ku adkeeyey in maanta loo baahan yahay Gargaar biniadanimo oo buuxa.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa la wadaagay warbixin la xeriirto xaaladaha deeganada laga saaray Al-shabaab iyo dhibaatooyinka ka jiro ee u baahan wax ka qabashada Deg-dega ah si dadkeena loo badbaadiyo madaama inta badana aay ka ba’een xoolahii iyo beerahii.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa faray Hay’adaha ka howlgalo Gobalka Hiiraan in loo jiheeysto dhanka wax ka qabashada xaaladaha abaaraha asigoo xusay in dhamaan Degmooyinka Matabaan, Maxaas, iyo Beledweyne inta badan laga xoreeyey Al-shabaab lana gaar siin karo dhamaan wax walbo oo adeega dadweynaha muhiin u ah Maamulka.