Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Buulle Gareed ayaa ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka, kuwaas ay hareeyeen murano xoogan.
Buulle ayaa shaaciyey in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.
Guddoomiyaha ayaa xusay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Axmed Safiina ayaa maalmo kahor sheegay in khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada Golaha Shacabka ee Garbahaareey aan doorashada socoto loo joojin doonin ee horey looga soconayo khilaafka taagan.
Si kastaba Maamulka Jubbaland ayaa kal hore sheegay in kuraasta doorashada Golaha Shacabka ee Garbahaareey aan Magaaladaas lagu qaban doonin ilaa dowladda Federaalka ay dib uga celineyo Gobolka Gedo Ciidankii horey loogu daabulay..