Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa gudoomiyay shir gaar ah oo ka qabsoomay Xarunta dowladda hoose.
Shirkaan oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa looga hadlay oo diirada lagu saaray dardargalinta sugida Amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay Guddoomiyaasha iyo Saraakiisha qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir
Shirkaan ayaa goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.