Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Amar cusub kusoo rogay dhammaan gaadiidka dadweynaha noocyadiisa sida Mooto Bajaajta, Gaadiidka dadweynaha raacaan ee BL-ka loo yaqaano, kuwa Daweeyaha iyo Mootada laba lugaaleyda ah.
Maamulka Gobolka ayaa darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku amray in wixii ka danbeeya Maanta aysan qaadir karin Askari hubeysan nooc walba uu yahay iyo hay’ad kasta uu ka tirsan yahay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta u Akhrinaayay amarkaan lasoo saaray ayaa sheegay in gaadiidkii ama Mootadii u hogaansami weyda amarkaan lala tiigsan doono sharciga.
Sidoo kale Maamulka Gobolka ayaa faray mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inay u hogaansamaan amaawiirtii hore uga soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda ee ahaan in markii ay marayaan baraha Koontaroolada la hubiyo gaadiidka ay saaran yihiin.
Amarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada habeen kahor Al-Shabaab weerar ku bilowday qaraxyo xooggan ku qaadeen Hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana weerarka ku dhintay dad ku dhow 10 ruux.