Dagaalamayaasha Difaaca Tigrayga ee TPLF waxay dib u qabsadeen Caasimadda Gobalka Tigrayga ee Mekhelle, kadib, markii ay Ciiddanka Fedealka dib uga gurteen magaalladaasi iyo Deegaanada ku hareeraysan.
Taageerayaasha TPLF ayaa isugu soo baxay magaalladaasi oo go’doonsanayd muddo 8 bilood ah, iyagoo caleemo qoyan ku soo dhaweeyey Dagaalamayaasha TPLF.
Dadka Deegaanka waxay soo weriyeen inay Ciiddan ku labisa Dharka Kooxad TPLF ay markii u horeysay ku arkeen magaalladda Mekhelle tan iyo bishii November ee sanadkii hore ee 2020-ka.
Afhayeenka TPLF, Getaew Reeda oo Khadka Telefoonka Toraayaha kula hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan magaalladda Mekhelle.
Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia waxay ku baaqday Xabbad-joojin hal dhinac ah, taasi oo socon doonta inta lagu guda-jiro Xilliga Beer-Falashada.
Madaxa Maamulka Ku-meel-gaarka ee Gobalka Tigrayga ka codsaday Dowladda Federalka inay diyaariso Heshiis Xababd-joojin iyo in laga shaqeeyo sidii Xal Siyaasadeed loogu dhamayn lahaa Xiisadda Colaadeed ee Gobalka Tigrayga.